Xildhibaan ka tiran Golaha Wakiilada Somaliland oo deegaankii laga soo doortay ka hirgaliyay Saldhig Boolis.
Hargaysa 25.Jan(SDN) Xildhibaan Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa maanta ku Wareejiyay ayaa Ciidamada booliska ee Degmada War Cibraan ku Wareejiyay Dhisme Saldhig boolis oo uu Xildhibaankani hirgaliyay.
Munaasibadii Wareejintan Dhismaha Saldhigan waxaa ka soo qayb galay Maamulka Gobolka Togdheer,Taliyaha Qaybta booliska ee Gobolkaas, Maamulka Degmadaas iyo Odayaasha Degmada War Cibraan.
Xildhibaan Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan oo si rasmi ah Xadhiga uga jaray Dhismaha Saldhigan uu ka hirgaliyay Degmada War Cibraan ayaa Sheegay in isagoo ka duulaya baahida ay dadkii soo doortay u soo bandhigeen isla markaana ay ku dalbanayeen in loo sameeyo saldhig boolis uu markaas kadib go’aansaday Sidii uu samayn lahaa Saldhigan,Waxa uu Xildhibaanku u soo jeediyay Maamulka Gobolka Togdheer, iyo Dadweynaha Degmadaasi inay Xil iska Saaraan ilaalinta iyo daryeelka Saldhigan.
Maxamed Maxamud Yuusuf Ubaxle oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer ayaa dhiniciisa balanqaaday in Wixii kaga soo beegma Maamul ahaan ay diyaar ula yihiin,Waxaanu Xildhibaanka uga Mahadceliyay Sida uu Mar walba heeganka ugu yahay wax ka qabashada baahiyaha Bulshadii soo doortay ay ka Sugayaan.
Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Maxamed Faarax ayaa uga mahadnaqay Xildhibaan Cali Xasan Mareexaan dhismaha Saldhigan oo qayb wax ku ool ah ka qaadan doona hawlaha Sugida nabadgalyada isagoo intaas ku daray in iyaga iyo maamulka gobolka togdheer ay keeni doonaan Ciidankii ka hawl geli lahaa .
Xildhibaankan ayaa hore deegaamada laga soo doortay waxa uu ku wareejiyay Gaadiid ay ku gutaan hawlaha Maamul ee ay u xilsaaran yihiin.
Hargaysa SDN.