|

Col. Cyrus Oguna: Kenya lama gor gortami doonto Argagixisada Xarakada AL Shabaab

NairobiJan 25 2013 (SDN)– DowladdaKenyaayaa ku dhawaaqday in aysan wax wada-hadal ah kala galeyn Al-Shabaab la-heystayaal u dhashay dalkeeda oo ay kooxdu ku hanjabtay in ay dili doonto.

Afhayeenka ciidankaKenyaCol. Cyrus Oguna ayaa sheegay in aysan dowladdu wada-xaajood la geli karin argagixiso, isagoo ku eedeeyay Al-Shabaab in ay sameynayso falal dambiyeedyo sharci kasta ciqaab ku ah.

Muuqaal video ah oo ay Al-Shabaab soo saartay ayaa muujiyay la-heystayaal dowladda Kenya ka codsanaya in laga qeybqaato sii-deyntooda, wuxuuna Oguna ku tilmaamay in aysan maxaabiistaas  aheyn kuwa dagaal, sidaa daraadeed Al-Shabaab laga doonayo in ay siideyso.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay dili doonto la-haysteyaasha u dhashay dalkaKenyahaddii dowladdaKenyaaanay sii deyn dhammaan maxaabiista ku xiran xabsiyada dalkaKenyaee lala xiriirinayo argagaxisannimada.

Waqtiga kama dambeysta ah ee ay Al-Shabaab u qabatay la-haystayaasha waa 14-ka February.

SDN-Nairobi 

Comments are closed