|

Madaxweyne Reyaale oo ku baaqay in wada aajood Qaran laga yeesho Saameynta Aqoonsiga Mareykanka ee Soomaaliya uu Somaliland ku yeelan karo

Paris Ja25,2013(SDN)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Reyaale Kaahin ayaa soo jeediyay in Somaliland ay wada tashi Qaran ka yeelato saameynta uu aqoonsiga Mareykanku siiyay dawlada Soomaaliya uu ku yeelan karo Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa intaa raciyay in Mareykanka aaney u qorsheysneyn in uu faro geliyo arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya balse aqoonsiga dawlada Soomaaliya ay keeni kareyso godoon ay gasho Somaliland.

Madaweyne Reyaale oo intii ka danbeysay kolkii uu xilka uga degay Doorasho ku noolaa dalka Faransiiska ayaa soo jeedintan ku sheegay wareysi uu dhawaan siiyay somlilandpress.

Madaxweyne Daahir Reyaale Kaahin ayaa mudadii uu xilka Madaxweyne hayay gaarsiiyay Jamhuuriyada Somaliland meeqaam aad u sareeya oo soo jiitay wada shaqeyn iyo maalgashi ay beesha caalamku la gashay Somaliland.

SDN-Paris

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed