|

Dawlada Hoose ee Magaalada Laascaanood oo maanta fulisay Olole Nadaafadeed.

Hargaysa 24.Jan.(SDN) Dawlada hoose ee Magaalada Laascaanood ayaa maanta qayb ka mid ah Magaaladaasi waxay ka fulisay hawl gal nadaafadeed.

Hawl galkan oo qayb ka ah qorshaha Maamulka Cusubi ugu talo galeen in Degmada Laascaanood ay todobaadkiiba hal mar ay ka fuliyaan olole nadaafadeed si bilicda iyo Fayo dhawrka nadaafadeed ee  Magaalaasi kor loogu qaado .

Maayarka Magaalada Laascaanod C.qaadir Jaamac Saalax oo hor kacayay hawl galkan nadaafadeed ayaa saaka ka fuliyay Cisbitaalka Guud ee Magaaladaasi,Saribada Magaaladasi iyo faras magaalaha laascaanood.

Maayarka magaalada Laas caanood C.qaadir Jaamac ayaa bulshada ku nool magaaladaasi waxa uu ugu baaqay inay dawlada hoose ka gacan siiyaan hawlgalada nadaafadeed ee ay ku hawlan yihiin waxaanu ka codsaday inay iska bixiyaan wixii Cashuur ah ee dawlada hoose ka qaado, si ay ugu hagaajiyaan ayuu yidhi horumarka ay magaaladu ka sugayso.

Maayarka Laascaanood waxaa kale oo uu baaq u diray Qurbo jooga u dhashay Magaaaladaas oo uu ka dalbaday inay Soo Maalgashadaan Magaaladooda.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Xoghayaha Dawlada hoose ee Degmada Laascaanood Cabdi Khayre.

Dhinaca kale Wararka aanu ka helayno Magaalada Gebilay ayaa Sheegaya in Golaha deegaanka ee degmadaas oo kaashanaya hawl wadeenada Dawlada hoose ee degmada Gebilay inay maanta Olole nadaafadeed ka fuliyeen Magaaladas.

Hargaysa SDN.

Comments are closed