|

Faransiiska oo sheegay in uu Yemen ka taageerayo la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida

ParisJan 24 2013 (SDN)— Madaxweynaha dalkaYemeniyo safiirka dowlada Faransa ee dalkaYemenayaa ka wada hadlay sidii loo kordhin lahaa la dagaalanka kooxa burcad badeeda geeskaAfricagaar ahaan Soomaalida iyo sidii loo maalgelin lahaa howlgalka ka socda xeebaha Soomaaliya.

DowladahaYemeniyo Faransa ayaa la sheegay inay ku hishiiyeen la dagaalanka burcad badeeda oo ku saleysnaan doono inay is dhaafsadaan wararka kooxaha burcad ah la xiriira iyo xoojinta ciidamada xeebahaYemen.

Safiirka dowlada Faransa ee dalkaYemenayaa sheegay in dowlada faransa ay ka saacidi doonto ciidamada xeebaha dalkaYementababar lagu kordhinayo xirfadahooda si ay ula dagaalamaan koobaha burcad badeeda Soomaalida.

Madaxweynaha dalka Yemen Abdu Rabbo Mansour Hadi ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada xeebaha ee dowladiisa ay sii kordhin doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxa burcad badeeda Soomaalida.

Wuxuu si aad ah usoo dhaweeyay hadalka kasoo yeeray safiirka dowlada Faransa eeYemenisagoo sheegay inay sii wadi doonaan la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa cabsi geliyay waxii ka dambeeyay sanadkii 2005 tii markaa oo la sheegay inay kusoo kordheen biyaha Soomaaliya ee meelaha,waxaana ay qasabtay in maraakiib badan afduubtaan.

Waxaana jiro ururo badan oo la dagaalama kooxaha burcad badeeda Soomaaliya oo ay ku jiraan ciidamada midowga Yurub ee howlgalkaAtlantaka wada xeebaha Soomaaliya.

Waxaana la sheegay in ku dhawaad 6.6 ilaa 6.9 Bilyan ay madax furasho ahaan ay uheleen kooxaha burcad badeda Soomaalida.

SDN-ParisĀ 

Comments are closed