Mareykanka oo aqbalay in Haweenku ka dagaalamaan Jiidaha hore
Washington Jan 24,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa qaadeysa mamnuuc saaraa in Dumarku ka bar bar dagaalamaan raga Jiidaha hore ee colaadaha.
Mareykanka ayaa 1994tii u mamnuucay in Dumarku jiidaha hore ka dagaalamaan,tan ayaa isbedeshay ka dib kolkii Dumar faro badani ay dacwado la hortageen maxkamadaha dalkaasi.
Ma cada in Dumarka haatan ka tirsan ciidamada ay diyaar u yihiin masuuliyadan iyo ragu qudhoodu ay doonayaan in haweenku ka barbar dagaalamaan.
Haatan ayay dumar faro badani ka hawlgalaan dagaalada ka socda dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Waxaana jiray tiro Dumar ah oo ku geeriyooday dagaalada ka socda dalalkaas ciidamadu ay Mareykanka ka joogaan.
Sidoo kale tilaabadan lagu wado in uu ku dhawaaqo Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Leon Penetta ayaa fursad u siineysa Haweenka ilaa 250 kun oo haweena in ay dagaalada ka qeybgalaan.
Tani waxa ay qeyb ka tahay tilaabooyin dhawr ah oo lagu wado in Xukuumada Obama ay ku dhaqaaqdo wareega labaad ee xukuumadiisa.
SDN-Washington