“Dr Gaboose Kalidii Ayuu Maskaxdiisa La Tashaday, Aniguna Waxan Go’aansaday Inan Xildhibaanadii Iyo Taageerayaashii Ummada Aan Ka War Sugo” By,Xildhibaan Saleebaan Bukhaari
Hargeysa Jan 23,2013(SDN)-Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ahaa xildhibaanka kaliya ee urur siyaasadeedkii Ummada ee ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28 November 2012-kii, isla markaana ahaa hogaamiyayaasha ururkaasi ayaa Dr Maxamed Cabdi Gaboose ku tilmaamay ku biiristiisa xisbiga Wadani in aanu kala tashanin taageerayaashii iyo xildhibaanadii golayaasha deegaanka uga soo baxay ururkii Ummada, waxaanu tilmaamay inaanu isagu ka tagi doonin masuuliyiinta iyo taageerayaasha ururkaasi, kana war sugi doono halka ay uga digo rogan doonaan mustaqbalkooda siyaasadeed. Xildhibaan Bukhaari ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xildhibaanadii golayaasha deegaanada uga soo baxay ururka Ummadu ay guddi ka soo talo bixisa halka ay raaci doonaan iyaga iyo taageerayaashoodu uu shir wada tashi ahi u socdo.
Xildhibaan Bukhaari ayaa sidaasi ku sheegay mar aanu xalay khadka telefoonka ugu waramayey Haatuf, kaas oo aanu wax kaga waydiinay mawqifkiisa ku wajahan go’aanka Dr Gaboose oo ay urur ka wada tirsanaayeen uu ku biiray xisbiga Wadani iyo sababaha uu uga xaadiri waayay maadaama uu ahaa xildhibaanka kaliya ee golaha Wakiilada ugu jiray ururkii Ummada, ayaa waxa uu yidhi “Runtii waxanan ku qancin markii uu maskaxdiisa oo kaliya uu Dr Gaboose la tashaday oo aanu talo la qaadanin xildhibaanadii golayaasha deegaanada, hogaamiyayaashii ururkaasi iyo taageerayaashii ururkaasi, aniguna maadaama aan ahay xildhibaanka kaliya ee ugu jiray ururka ummada golaha wakiilada, isla markaana aan ahaa guddida fulinta iyo gudoomiyihii shirkii lagu doortay Dr Maxamed Cabdi Gaboose waxaan go’aansaday inaanan ka tagin taageerayaashii iyo xildhibaanadii golayaasha deegaanada ee laga soo doortay Laascaanood ilaa Saylac, oo wakhtigan xaadirka ah guddi talo bixineed u saaray halka ururkaasi oo isku duubani si wadajir ah u raaci doono, sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan ka war sugo talada ay soo go’amiyaan, waxaanan diiday inaan sida Dr Gaboose oo kale maskaxdayda oo kaliya la tashado”
haatuf