Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta Muqdisho kulan kula qaatay qaar kamid ah wadama deeqbixiyaasha
Muqdisho Jan 23 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Wakiilo ka socday Wadamada deeqda bixiya.
kulanka oo ay saxaafada dibad joog ka aheyd ayaa waxaa Madaxweyne Xasan sheekh iyo safiirada kasocday dalalka taageera dowlada soomaaliya ay ku falan qeeyeen sida ugu fudud ee dowlda soomaaliya ay gacanteeda ugu dhigi laheyd dhaqaalaha ay ku taageeraan caalamka
Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa waxaa si kooban uga war bixiyey madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in muhiimad gaar ah uu u lahaa kulankani dowlada soomaaliya.
Sidoo kale kalank ayaa leysku raacay in lasameeeyo hey’ad xili kooban ay maamusha dhaqaalaha dowlada inta ay ka xoogeysanayaan hey,adaha maaliyada u qaabilsan dowlada.
Waxaa kale uu heshiiskan Dowlada u suura gelinayaa in Dowlada gacanteeda ay ku maamulato dhaqaalaha ka soo galaya beesha caalamka.
Safiiradii maanta kulan la qaatay madaxweyne xasan sheekh ayaa waxaa kamid ahaa xubno ka kala socday dalalka Mareykanka ingiriiska Turkiga Italy iyo Norwy waxana kulankan uu kusoo aadayaa iyadoo madaxweyne xasan sheeq maanta uu soo gaaray muqdisho isagoo socdaalo kusoo kala bixiyey sacuudiga iyo mareykanka.
SDN-Muqdisho