Kenyaoo Qaramada Midoobay weydiisatay dhaqaalo ay ku dardargaliso howlgalka ay ka wado Soomaliya
NairobiJan 23 2013 (SDN)– DowladaKenyaayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday inay maalgiliso WadankaKenyasiKenyaay u u kordhiso dadaalada nabadeed ay ka wadaan Soomaaliya.
AmbasadorkaKenyau fadhiya Qaramada Midoobay Macharia Kamau ayaa dhamaan beesha caalamka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya,isagoona si gaar ah u xusay in dhaqaalo lagu taageero howlgalka AMISOM gaar ahaan dowladaKenyaoo qeyb ka ah ciidamadooda kuwa howlgalka MidowgaAfricaee looga soo horjeedo Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.
Hadalkaan ayuu soo hadal qaaday SafiirkaKenyau qaabilsan Qaramada Midoobay xilli hadal ka jeedinayay kulan dood ah oo Golaha amaanka ay ku yeeshee magaaladaNew Yorkkaaso oo looga hadlayay arimaha howlgalka AMISOM.
Mr Kamu ayaa si rasmi ah u qeexin dhaqaalahaKenyaay dooneyso,balse waxuu sheegay in kaliya doonayaan lacag gaareyso malaayiin doolar.
Golaha ammaanka ayaa durbadiiba ka jawaabay dalabka kaga yimidKenyaee ku aadan dhaqaalo lagu sii xoojiyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,waxuuna bixiyay 11.5 billion ($132 million).
DowladaKenyaayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u sii kordhin lahayd dagaalada ay kula jirto Ururka Al-Shabaab,Islamarkaana qeyb libaax leh ay kaga qeyb qaadan lahayd nabad ku soo celinta dalka Soomaliya.
SDN-Nairobi