Ururka Midowga Yurub oo balaariyay Tabarada ay siiyaan Ciidamada dowladda muddo labo sano ah
Brussels Jan 23 2013 (SDN)– Fadhi ay xubnaha guddiga amaanka ururka midawga Yurub ku yeeshay magaalada Brussels ee xarunta u ah ayaa waxay ku go’aamiyeen in lasii wado tababarada ururka midawga Yurub uu siiyo ciidamada dawlada Soomaali si loo helo ciidamo Soomaaliyd oo awood leh.
Bayaan ay guddigaan soo saareen ayaa waxaa lagu sheegay in la isla gartay in tababarada lasii wadi doonto muddo 2 sano ah isla markaana laga sii tayayn doono sida hadda loo bixiyo.
Warkaan waxaa lagu sheegay in sidoo guddigaan uu si toos ah ula shaqeyn doono wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya oo ay siin doonaan talooyin istiraatiyadeed oo ku saabsan hab maamulka ciidamada.
“Waa go’aan fursan u noqonaya Soomaaliya oo lagu tababarayo ciidamadeeda si loo helo ciidamo awood u leh sugida amaanka “ ayaa lagu yiri bayaanka kazoo baxay guddigaan Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha amaanka iyo tababarada.
Lacagta ku baxay tababarada la siinayo ciidamada dawlada Soomaaliya mudada 2 sano ah oo ku eg 31 bisha March ee sanadka 2015 ayaa waxay dhan tahay 11.6 million oo lacagta Yurub ah.
Midawga Yurub oo bilaabay tababarida ciidamada Soomaaliya bishii February, sanadii 2010 ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ka faa’idaysteen illaa iyo 3,000 oo askari sida Midawga Yurub sheegay.
SDN