Jeylaani Nuur Iikar: Turkigu waxa ay dadajinayaan qorshaha ay ku dhisayaan Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya
KhartoumJan 23 2013 (SDN)– Jeylaani Nuur Iikar Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan dalkaSudanayaa sheegay in dowladda Turkiga ay dadejinayso dhismaha aqalka Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulan labada masuul ku dhexmaray dalkaSudanayaa wuxuu sheegay in arimaha ugu muhiimsan oo ay kawada hadleen ay aheyd sidii dowladda Turkiga ay ugu dhaqsan laheyd dhismaha xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka.
Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga uu ka aqbalay hadalka ah in la dhiso Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho dhawaana Turkiga uu bilaabi doono dhismaha xaruntaasi.
Sidoo kale arimaha ugu muhiimsan oo uu kala hadlay ayuu sheegay inay qeyb ka aheyd dhismaha qeybo kamid ah Muqdisho oo uu burbur ka muuqdo.
Dowladda Turkiga ayaa horay ushaacisay inay dhisayso aqalka ay ku shiraan Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan la dayactiray balse u baahan dhismo wanaagsan.
Turkiga ayaa wuxuu ka qeyb qaata dadaalada Soomaaliya lagu horumarinayo iyadoo kaalin muuqato uu kaga jiro howlaha dib udhiska dalka.
SDN-Khartoum