|

Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal dheer kaddib saakarya Aroortii dalka dibu ugu soo laabtay

Muqdisho Jan 23 2013 (SDN)- Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo noqday kadib safaro uu ku soo maray dalalka Mareykanka iyo Sacuudiga halkaasi oo uu kaga soo qeybgalay shirar muhiim ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saaka aroortii kasoo dagay Airportka Muqdisho isaga oo ay wehliyaan xubno ka tirsan wafidigii ku hogaaminaye socdaalkaasi dalalka caalamka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho wuxuu usii gudbay xarunta Madaxtooyada Villa Soomalaiya isaga oo aan saxaafada la hadlin.

Madaxweynaha ayaa wuxuu kasoo qeybgalay shir ka dhacay dalka Mareykanka uu kula soo kulmay Madaxweynaha dalkaasi Mareykanka Brack Obama iyo sidoo kale xubno katirsan Mareykanka.

Wuxuu sidoo kale kasoo qeybgalay shir ka dhacay dalka Sacuudiga halkaasi oo ay isugu yimaadeen dalalka carabta oo ay kaga wada hadleen dhaqaalaha wadamada carabta.

Ugu dambeyn saaka aroortii ayuu kasoo dagay Madaxweynaha dalka Soomaaliya garoonka Muqdisho isaga oo aan saxaafada wax faah-faahin ah siin.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed