|

Axmed Madobe oo sheegay in maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo ee gabo gabo mareso

Kismaayo Jan 22 2013 (SDN)— Hogaamiyaha Kooxda raaskambooni Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta Saxafiyiinta kula hadlaayay Magaalada kismaayo ayaa tilmaamay in heer gaba gabo ah uu maraayo maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gado.

Hogaamiyaha Kooxda raaskambooni Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta Saxafiyiinta kula hadlaayay Magaalada kismaayo ayaa tilmaamay in heer gaba gabo ah uu maraayo maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gado.

Axmed Madoobe waxa uu shaaciyay in dhawaan uu furmi doono Shirweynaha lagu dhisayo Maamulka Jubba Land ayna ka qeybgalayaan 500, oo ah Ergada la doonayo inay mataalaan Beelaha daga Goboladaasi.

Sidookale Hogaamiyah Jabhada Raskambooni ayaa sheegay in ka hor inta aan la dhisin Maamulkasi ay qorsheynayaan inay la wareegaan Degaanada Xarakada Al-Shabaab ay kaga harsan yihiin Gobolada Jubooyinka iyo Gado ee la damacsan yahay in loo sameeyo hal Maamul.

Hadalka kasoo baxay Gudoomiyaha Maamulka KMG ah ee Kismaayo ahna Madaxa Koocda raskambooni Axmed Madoone ayaa kusoo hagaagaya iyadoo kol dhow la doonayo in Maamul Goboleedka Jubba Land loo sameeyo  Gobolada Jubooyinka iyo Gado.

SDN-Kismaayo 

Comments are closed