|

Jarmalka oo Maxkamadeynaya Nin Xubin ka ah Xarakada Al Shabaab oo laga qabtay Africa

Berlin Jan 22 2013 (SDN)—Xeer ilaalinta guud ee Wadanka jarmalka ayaa u soo jeediyay muwaadin ka soo jeeda Wadankaasi in uu xubin ka yahay Ururka Al-Qaacida iyo sidoo kale inuu ka bar bar bar dagaalamay XarakadaAal-Shabaab ee Soomaalia.

Xeer ilaalinta dalkaasi ayaa sheegay in muwadinka oo lagu magacaabo Emrah Erdogan oo 24-sana jir ah uu wajahayo danbiyo ku aadan in uu maleegayay falal argagaxisanimo uu ka fuliyo Wadankaasi jarmalka iyo sidoo kale isagoo u soo safray dalkan Soomaalia si uu uga bar bar dagaalamo Xarakada Al-Shabaab oo shaacisay in ay ku biirtay Ururka Al-Qaacida.

Dacwad oogayaasha Wadankaasi ayaa sheegay Emrah Erdogan uu dalka Soomaalia u soo safray sanadii 2011-ki si uu uga bar bar dagalamo xarakada al-shabab ee Soomaalia waxana, uu kala qeyb qaatay shababka dagaal ay Soomaalia kula galeen ciidamada Ethiopia oo garab siinayay dawladda Soomaalia.

Qofkasi ayaa la sheegay in laga qabtay wadanka Tanzania Bishii june Sanadii 2012-ki waxana loo gudbiyay wadankaasi jGermany si halksaasi loogu soo taago Maxkamad.

SDN-Berlin 

Comments are closed