Maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowladda oo xukuno kala duwan ku riday Askar ka tirsan ciidamad dowladda
Jowhar Jan 22 2013 (SDN)—Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Xukun dil iyo Xabsi waxaa ay ka fulisay degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.
Kadib markii ay gareen maanta Jowhar Masuuliyiinta maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa durba waxaa ay xukuntay afar ruux oo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan.
Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida Liibaan Cali Yarow ayaa dhageystay in Askartan ay geysteen dil iyo dhac isaga ayaana ku dhawaaqay xukunkooda.
Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in eedeysanayaasha la xukumay maanta ay tiradooda gaareyso Afar askari oo ciidamada dowlada ka tirsan.
Askarta la xumay ayaa waxaa ka mid ahaa Sadexle Cabdi Fitaax Xasan Maxmamed oo lagu xukumay dil toogasho ah iyo Xuseen Tarmuus oo sigaoo ka maqan maxkamadu ay ku rixday xukun shansano oo xabasi ah sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad.
SDN-Jowhar