|

Shirkii Madaxda wadamada Jaamacada carabta oo soo gaba gaboobay, Maxaa ka soo baxay

Riyaad Jan 22 2013 (SDN)— Shirkii wadamada carabta ee looga hadlaaye dhaqaalaha wadamada carabta ee ka socday dalka Sacuudi Carabiya gaar ahaan Magaalada Riyaad ayaa la soo gaba gabeeyay goordhaweyd iyadoo arimo dhowr ah looga wada hadlay.

Xoghayaha labaad ee safaarada Soomaalida dalka Sacuudiga Cali Nuur Macalin oo la warbaaninta ayaa wuxuu sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay ay kamid yihiin taageerada wadamada carabta ee dhaqaalahooda liita.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu hadal qiimo leh ka jeediyay intii uu socday shirka isaga oo kaga hadlay arimaha Soomaaliya iyo xaaladaha isbedelka.

Cali Nuur Macalin ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dalalka carbeed ee kulanka kasoo qeybgalay uu ka codsaday in la garab istaago dalka Soomaaliya oo muddo dagaalo ay ka dhacayeen.

Wuxuu tilmaamay in masuuliyiinta wadamada carbeed ee shirka kasoo qeybgalay ay isku afgarteen in la taageero dalka Soomaaliya iyo sidoo kale dalalka carabta ee dhaqaalahooda uu liito.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wuxuu kulamo gaar gaar ah la qaatay masuuliyiinta wadamada carabta ee shirkaasi kasoo qeybgalay oo ay ka wada hadleen arimaha dalka Soomaaliya.

SDN-Riyaad

Comments are closed