Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Qoyskii iyo Qaranka uu ka baxay Marxuun Xildhibaan Aadan Tarabi Oogle oo ka tirsanaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada .
Hargaysa 22.Jan (SDN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Golaha wakiilada iyo Golaha guurtida Somaliland oo uu ka taciyadaynaayo geerida ku timid XILDHIBAAN AADAN TARABI Oogle oo ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Baarlamaanka.
sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuumkaasi, oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa maanta (22/01/2013).
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha wakiilada, Golaha guurtida Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargaysa SDN.