Golaha Guurtada Beelaha Hawiye oo warsaxafadeed ka soo saaray arrimahii ugu danbeeyay ee dalka Aqriso
Muqdisho Jan 22 2012 (SDN)– Golaha Guurtada Shir ay isugu yimaadeen, waxeey ka doodeen xaaladda siyaasadeed ee dalku uu maraayo waxeyna isla garteen arimaha hoos ku qoran:
1. In la taageero Aqoonsiga dowlada soomaaliyeed ay ka heshay Dowlada Mareykanka ¡yo Arrimihii ku xusnaa aqoonsigaas 00 saI u noqonaya Midnimada ¡yo Qaranimada Soomaliyed Dhinac walbo, waxaana ku Amaaneynaa intli ka soo shaqeysay.
2. Waxaan aad uga xunahay dilkii wariye Cabdi Xareed Cisman Aadan wariyihii shabeelle ¡yo wariye Cabdi Casiis oo u xiran Booliska, Dilka ¡yo xariga wariyaasha 00 noqotay kuwa joogta ah cid wax ka qabaneysana aysan jirin ¡yo Cid loo raacdo, Waxan, canbaareyneynaa Dilalkaas, waxaan Hayadaha Nabadgalyada u soo jeydineynaa may qaataan Masuuliyada ku Aadan ilaalinta Xuquuqda Dadka Shacabka ee Sabab laaanta loo Ieynayo.
3. Maamul u Sameynta Gobolada Dalka Waa wax ugaara umada Soomaaliyeed waxaana si cad ugu sheygeynaa unir goboleydka gad may faraha kala baxaan. Dadka Dagan Deegaaamada jubooyinka waxaan kula talineynaa in ay ayagu dhistaan Maamulada Tuulo, Dagmo, iIaa ¡yo Heer Gobol si istixgalin ¡yo Cadaalad ku dhisan may u wadaagana Maamulka Deegaamadooda, islamarkaasna ay raali ¡saga wada yihiin Bulshada Wada nool.
4. Wax la aqbali karo maahan jamhad hubeysan 00 qabiil ah in ay xoog ku maquuniso dadka deegaamada kuwada nool ayagoo kaashanaya Ajnabi.
5. Waxaan Canbaareyneynaa weeraradii Qaawnaa ee Faransiisku ay ku soo qaadeen Buulo Mareer, taasi oo ah Xad gudub Caali ah, waxaana u tacsiyayneynaa dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday ama ku dhaawacmay weerarkaasi gardarada ah ay Ciidamada Faransiisku u geysteen Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
6. Waxaan kaloo Canbaareyneynaa Xasuuqii Ciidamada AMISOM ay ka geysteen deegaanka Leego taasi oo u muuqata Cadowtooyo Cad, waxayna laayeen Haweyn iyo Caruur oo reer Miyi ah waana xanuun aad u foolxun oo Umada Soomaaliyeed aynan u dulqaadan karin falkaas wax yeelada leh ee ka baxsan waajibaadka Ciidamada Nabad Ilaalinta Ujooga Soomaaliya.
Ugudanbeyntii qeybaha kaladuwan ee Bulshada Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqeynaa in ay taageeraan dowladda si loogaaro Nabad iyo hormar dhinac walba ah.
Wabilaahi Towfiiq
—–DHAMAAD—-