|

Jariirad ay maalgelisay Xukuumada Somaliland oo Hargeysa ka hawlgashay

Hargeysa Jan 22,2013-(SDN)- Wargeys ay madaxtooyada xukuumadda Siilaanyo maal-gelintiisa bixisay, ayaa saakacadadkiisii u horreeyey loogu wan-qalay munaasibad lagu daah-furay oo kuqabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Wargeyskan oo mataano la ah shabakadda Somalilandtoday.com isla markaana loogu wanqalay magacaca shabakaddaoo uu iska leeyahay Wariye ka hawl-gala telefishanka Qaranka oo lagu magacaaboMuniir Axmed Cigaal oo ay isku jufo hoose yihiin Wasiirka Madaxtooyada XirsiCali Xaaji Xasan, ayaa saaka munaasibad wan-qal ah loogu sameeyey Hotel Maansoor, taas oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiinta xisbiyada Qaranka,madaxda Dawladda, madax-dhaqameed, xildhibaanno ka tirsan labada gole qaran,suxufiyiin iyo marti-sharaf kale.

Masuuliyiinta ka qayb-gashaymunaasibadda daahfurka Wargeyska Somalilandtoday, ayaa dhammaantood soodhaweeyey furitaanka Wargeyska iyaga oo dhammaantood ku dardaaray inay maamulkaiyo hawl-wadeennada wargeyska inay bulshada u tebiyaan warar dhex-dhexaad ah ooaan cidna dhabarka saarayn.

Guddoomiyaha Wargeyska iyo shabakadda Somalilandtoday Muniir Axmed Cigaal oo hore Wariye uga ahaa shabakadda Hadhwanaagnews ee magaalada London, ayaa markii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo Xilka talada dalka qabatay, waxa uu ka hawl-galay Xafiiska telefishanka Qaranka ee magaalada London oo uu wararka ka soo diri jiray,waxaanu intii uu xafiiska telefishanka ee London ku sugnaa uu aasaasay shabakadda Somalilandtoday.com oo iyada laftigeeda munaasibad wanqal ah loogusameeyey magaalada Hargeysa, wakhtigaas oo muddo yar ka horreysay ka hor intiiaanu u soo wareegin dhinac magaalada Hargeysa oo uu ka hawl-galay xarunta Guudee Telefishanka Qaranka.

Intii uu Wariye Muniir Axmed Cigaal ku sugnaa Dalka, waxa u suurto-gashay inuu Diiwaan-gashada Wargeyska Somalilandtoday, in kasta oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqday in la hakiyey diiwaangelinta Warbaahin cusub oo ka hawl-gasha dalka ka dib markii Wasaaradda Warfaafintu go’aankaas Shaacisay. Go’aankan ayaa ka dambeeyey ka dibmarkii Wargeyska Hubaal oo muddo dhowr bilood ah haatan magaalada Hargeysa kasoo baxaa uu Warar ka qoray xukuumadda, taas oo dhalisay in lays weydiiyo  sharciyadda diiwaangelinta Wargeyska Hubaal oo markii dambe soo bandhigay Sharciyaddii ay ku diiwaan-gashadeen oo uu kusaxeexnaa wasiirka hore ee Warfaafinta ee Xukuumaddii UDUB Axmed X. Daahir,waxaanay caddeyntaas ay soo bandhigeen maamulka HUBAAL  sababtay inay xukuumaddu dib uga fadhiisato inay Wargyeska Hubaal ugu marmarsiyooto wararka laga baahiyey Awgeed.

Dhinaca kale, Madaxtooyada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Md Xirsi, ayaa hore u suurto-galisay isla markaana bixisay maal-gelinta Wargeyska XOG-OGAAL oo magaalada Hargeysa kasoo baxa, kaas oo ay maamulaan Suxufi warbaahinta Somaliland aad looga yaqaano balse ka soo jeeda Jufada madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale, Madaxtooyadu waxa ay hore maal-gelintiisa u samaysay Wargeys lagu magacaabi jiray WAABERI oo ka soo bixi jiray magaalada Hargeysa wakhtiyadii ay cusbayd xukuumadda madaxweyne Siilaanyo balse aan iminka shaqayn. Wargeyskaas ayaa sababaha albaabada u laabay lagu sheegay ka dib markii masuuliyiintii loo igmaday ay dhinac mareen baahiyaadkii ay xukuumaddu markii hore ugu maalgalisay furitaankiisa.

Si kastaba ha ahaatee, maahamarkii u horreysay ee xukuumadihii isaga dambeeyey talada Dalka ay taageen amamaal-galiyaan warbaahinta danahooda gaar ah u fulisa, haseyeeshee marka lagaarki waayo danihii laga lahaa laga gooyo dhaqaalaha ay ku hawl-galaan amaalbaabada loo laabo marka xukuumadda ay u shaqaynayaan wakhtigoodu dhammaado.

Xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale, ayaa maal-gelin jiray Wargeys lagumagacaabi jiray MAALMAHA kaas oo muddadii uu soo bixi jiray si weyn u taageerijiray madaxtooyadii wakhtigaas isla markaana ahaa wargeyska Labaad eexukuumaddu gacanta ku haystay marka laga reebo Wargeyskii dawladda ee MAANDEEQoo wakhtigan magaciisa loo beddelay DAWAN, ahaa wargeyska labaad ee Dawladda.

In kasta oo horumarka koboca warbaahintaSomaliland tahay mid la soo dhaweynayo dhammaan Warbaahinta Dalkuna ay soodhawaynayaan, haddana Wakhtigan iyo Xukuumadda Siilaanyo, wargeyskaSomalilandtoday ayaa noqonaya Wargeyska Labaad ee madaxtooyada afkeeda ku hadlamarka laga reebo wargeyska ay xukuumaddu maamusho ee DAWAN.

Guuleed Guuddi

tibiyomooye@ymail.com

Comments are closed