Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Yemen Mr Haadi, Maxay kawada hadleen?
Riyaad Jan 21 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Riyaad ee Caasimada dalka Sucuudiga waxa uu kula kulmay dhigiisa dalka Yemen Cabdi Raboo Mansuur Hadi, kaasi oo ay kawada hadleen arrimo badan oo labada dal quseeya.
Mudane Xasan Sheekh iyo Hadi ayaa kawada hadlay xiriirka labada dalka ka dhaxeeya iyo sidii loo sii hormarin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeyn doonta Xukuumadaha Muqdisho iyo Sanca.
Madaxweynaha Yemen Mr. Hadi ayaa dhankiisa ugu hanbalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud xilka Madaxtinimo ee uu ku guuleystay, waxaana uu tilmaamay in doorashadii lagu soo doortay Madaxweynaha Soomaaliya ay aheyd talaabo horay loo qaaday oo dhanka samaha ku aadan.
Mudane Hadi Madaxweynaha Yemen ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in si buuxda ay ugala shaqeyn doonaan Soomaaliya dhinacayda Amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in ay muhiim u tahay Yemen in dalka Soomaaliya uu daris dhanka biyaha ah uu la leeyahay.
Cabdi Raboo Mansuur Hadi ayaa u Sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in dowladda Yemen ay dadka Soomaalida ah ee dalkeeda ku sugan ay ula dhaqanto sida muwaadiniinteeda oo kale hadii ay ahaan laheyd dhinacyada shaqada, waxbarashada iyo dhinacyo kale.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaga iyo wafdi uu hogaaminayo waxa ay ku sugan yihiin dalka Sucuudi Carabiya halkaasi oo uu uga qeybgalayo shirka Madaxda Jaamacada Carabta.
SDN-Riyaad