Wasiirka Madaxtooyada iyo Maareeyaha Dekeda Berbera oo dalka ku soo laabtay,kana hadlay Safarkoodii.
Hargaysa 21.Jan (SDN) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada oo uu Weheliyo Maareeyaha Dekeda Berbera ayaa maanta ku soo laabtay dalka kadib markii ay soo dhamayteen Safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen wadanka Isu taga Imaaraadka Carabta,iyagoo ka soo degay Madaarka Magaalada Berbera.
Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Warbaahinta ugu waramayay Qolka Nasashada ee Madaarka magaalada Berbera ayaa Xusay in Mudadii ay Socdaalka ku joogeen Wadanka Isu taga Imaaraadka Carabta ay kulmo kala duwan la yeesheen Mas’uuliyiin kala duwan isla markaana ay ka wada hadleen Sii Xoojinta Mashaariicda Horumarineed ee ay Somaliland u fidiyaan
“Waxaanu socdaalka ugu tagnay dalka Imaaraadka Carabta, sababta aanu u tagnayna waxay ahayd mid khusaysa horumarinta dekadda Berbera oo uu mudaba wada hadal u socday dekadda Berbera iyo dekadda kale ee caanka ah ee la yidhaahdo Deeply World la yidhaahdo ee Dubai,”,Wasiirka Madaxtooyadu Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii Wata waxa uu iftiimiyay Mashaariicda ay Xooga saareen sidii ay Imaaraaadku uga fulin lahaayeen Somaliland
“ Waxaynu xidhiidh la lahayn dawladda Imaaraadka carabta, horumarin haddii ay tahay iyo haddii ay mucaawimo kale tahay-ba oo iyadana aanu dabo-gal ku samaynaynay wixii dambe ee ay innaga tari karaan. Tusaale ahaan biyaha oo kale oo ay inoo qodeen ceelal badan oo aynu sugayno wajigii labaad oo ay beebka biyaha Hargeysa uga soo jiidayaan ceesha xumbo weyne ee ay balan-qaadeen” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu .
Wasiirka ayaa isla galabtaba soo gaadhay Magaalada Hargaysa .
Hargaysa SDN.