|

Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay Xeerka Tirakoobka.

Hargaysa 21.Jan(SDN)

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Tira koobka Somaliland .

 

Fadhigan oo uu Shir Guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa waxaa Cod loo qaaday ansixinta Xeerkan Waxaanu ku meel maray oo ogolaaday  in la ansixiyo 30 mudane,halka ay ka diideen 5 Xildhibaan isla markaana ay ka aamuseen 13 mudane, Guddoomiyuhuna Muu Codayn.

 

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu shaaciyay in maalinta barito ah Guddiga,  Dhaqaalaha Maaliyada iyo Ganacsigu ay Golaha ka hor jeedin doonto Warbixinta Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada JSL.

Hargaysa SDN.

 

 

Comments are closed