Bom gacmeyd dad ay ku dhaawacmeyn oo maanta lagu weeraray AMISOM iyo Ciidamad dowladda
Marka Jan 21 2013 (SDN)– Wararka ka imanaaya Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose ayaas heegaya in Ciidamo AMISOM iyo dowladda ah oo howlgal ka sameeynayay Magaaladaasi ay bom ku soo tuureen rag lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab.
Afhayeen u hadlay Maamulka Degmada Marka ayaa u sheegay warbaahinta in bokaasi aanu wax qasaaro ah gaarsiin Ciidamadii wada socday laakiin nasiibdaro gabar yar ay ku dhawacantay.
Afhayeen ayaa intaasi kudaray in howlgallo ay ciidamada dowladda iyo AMISOM sameeyeen ay ku soo qab qabteen ku dhawaad 7-qof oo looga shaki sanyahay in ay ku luglahaayeen bom-gacmeedka lagu soo tuuray Ciidamadaasi, waxaana uu xusay in ay u gudbin doonaa Magaalada Muqdisho.
Majirto cid si madax banana u xaqiijin karta qasaaraha soo gaaray Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee howlgalada ka sameynayay Marka hase ahaatee waxaa marar badan soo noq noqday weerarada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda loogu geysayo degmada Marka ee gobolka Sh/hoose.