Madaxweyne Obama oo mar labaad loo dhaariyay xilka Madaxweynenimo
Washington Jan 21,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa shalay mar labaad loo dhaaryay xilka uu hayay shantii sanadood ee ina dhaafay.
Dastuurka dalka Mareykanka ayaa qeexaya inmadaxweynaha la dhaariyo bisha January 20 keeda shantii sanoba mar.
Maanta ayaa lagu wadaa in Washington looga dabaaldego dib u dhaarinta madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.
Dhaarintii iyo khudbadahii madaxweynaha ee sanadii 2009kii ayaa waxa ka qeyb galay dad tiradooda lagu qiyaasay 1.8 million oo ruux oo dunida dacaladeeda ka kala yimi.
Madaxweyne Obama ayaa noqday madaxweynihii sideedaad ee dhaarintiisu ay ku soo beegan to maalin axada.
Maantana waxa la filaaya in Madaxweyne Obama ay dabaaldega kala qeybqaataan dad tiradooda lagu sheegay 800.000 oo ruux.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com