|

Banaabax lag u soo dhaweynayo Aqoosigii Maraykanku uu u fidiyay dowladda Soomaaliya oo ka soconaya Muqisho

Muqdisho Jan 21 2013 (SDN)— Dibadbax ballaaran ayaa hada wuxuu ka socdaa Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Banaanbaxa oo ka dhacaya halka loo yaqaan beerta Nabadda oo ka tirsan Degmada Xamarweyne ayaa waxaa ku sugan boqolaal dadweyne ah iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsna Dowladda.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa kamid ah masuuliyiinta ka qeybgala Banaanbaxa ee iminka ku sugan xarunta uu kasocdo dibadbaxa.

Sidoo kale masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan banaanbaxa kuwaasi oo shacabka isu soo baxay la hadli doonaa.

Ujeedka banaanbaxa ayaa wuxuu yahay in shacabka Soomaliyeed ay ku muujiyaan hadalkii Mareykanka kasoo baxay ee ahaa inay aqoonsan yihiin Dowladda Soomaaliya mudo 22-sano kadib.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed