|

Mr. Saacid: Waa Dhamaaday Xiligii hantida Islaameyd xoog lagu heysan jiray hala ogaado

Muqdisho Jan 21 2013 (SDN)— Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in iminka wixii ka dambeeyo ay jiri doonto awooda Dowladda Soomaaliya.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay inaysan jiri doonin hanti shacab oo si xoog ah loo heesto Dowladda cusub ee Soomaaliyana ay ku dadaalayso inay la timaado isbedel dhab ah oo ka duwan xaaladihii dalka soo maray.

Wuxuu sheegay in ammaankii iyo kala dambeyntii uu soo laabanayo ,isaga oo sheegay inay meesha ka baxayaan guri,beer iyo hanti qofeed oo si xoog ah lagu heesto,isaga oo tilmaamay inay dhamaadeen xoog in wax la isaga heesto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu sidoo kale dhamaaday qof shacab ah oo la dhaco iyo sidoo kale burcad jidgooyo dhigata awoodada Dowladda Soomaaliyana la faafinayo.

Xukuumadaan cusub ayaa ku dadaalaysa sidii ay udhaqan gelin laheyd isbedel ka duwan Xukuumadihii dalka Soomaaliya soo maray.

SDN-Muqdisho

Comments are closed