Shirlooga hadlayo dhaqaalaha wadamada carabta oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay oo ka furmaya Sacuudiga
Muqdisho Jan 21 2013 (SDN)— Dalka Sacuudiga ayaa maanta waxaa ka furmaya shir looga hadlayo dhaqaalaha wadamada carabta kaasi oo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin kala duwan.
Shirka oo ka dhacaya magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin kala duwan,waxaana kamid ah masuuliyiinta ka qeybgalaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay kasoo duulay dalka Mareykanka.
Sidoo kale masuuliyiinta ka qeybgalaya ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo kasocda Dowladaha carabta.
Gaba gabada shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro natiijooyin wax ku ool ah oo ku aadan arimaha ay ka wada hadlaan masuuliyiinta maanta shirka uga furmaya dalka Sacuudiga.
SDN-Muqdisho