|

Golaha Deegaanka Oodweyne oo ansixiyay Miisaaniyada ay ku shaqaynayaan iyo qodobo kale.

Hargaysa 20.Jan.(SDN) Golaha Deegaanka ee Magaalada Oodweyne ayaa Maanta guda galay Kalfadhigoodi Labaad iyagoo ku ansixiyay Qodobo ay ka mid yihiin Miisaaniyad Sannadeedka Dawlada Hoose,ee Magaaladaas.

Kalfadhigan oo ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Dawlada hoose ee Oodweyne waxaa ka qayb galay Todoba iyo Tobanka Xildhibaan ee Golahaasi ka kooban yahay.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Oodweyne ahna Maayarka Magaaladaasi C.xakiin Nuur Muuse ayaa furitaankii kulankaasi kadib waxa uu Warbaahinta uga waramay waxyaabihii ay Kalfadhigan ku soo qaateen waxaanu Xusay inay Meel Mariyeen Miisaaniyadii dawlada hoose ee Sannadkan taas oo ka badan Hal Bilyan,oo Shiling Somaliland ah,Waxa uu Maayarku Xusay oo kale inay Magacaabeen afar Gudi oo uu ka kooban yahay Golaha Deegaanka ee Degmada Ooweyne iyo Xeer hoosaadkii ay ku Wada shaqaynayeen.

Maayarka Magaalada Oodweyne C.xakiin Nuur Muuse waxa uu digniin u diray dadka ka ganacsada dhuxulaysiga oo ku keena Gobolkaasi saamayn dhinacyo badan leh,waxaanu cadeeyay inay Xadhig iyo Ganaax isugu dari doonaan cid kasta oo ku xadgudubta deegaanka.

Hargaysa SDN.

Comments are closed