Wasiirka Arrimaha gudaha oo sheegay in la magacaabayo gudi tira koob ku sameeya barkacayash
Muqdisho Jan 20 2013 (SDN)– Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in guddi loo xilsaaray in tiro koob lagu sameeyo dadka barakacayaasha ah ee kunool Magaalada Muqdisho.
C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka arimaha gudaha ayaa wuxuu sheegay in Guddiyada lasameynayo ay ka shaqeyn doonaan sidii loo tira koobi lahaa xeryaha ay dagan yihiin dadka barakacayaasha ah sida dib loogu raro goobaha loo asteeyay.
Guddiyaasha la sameynayo ayuu sheegay inay qaarkood ka imaan doonaan Hay’adaha samafalka ah ee ka howlgala dalka Soomaaliya sidoo kalena Dowladda ay qeyb ka tahay Guddiyadaasi.
Goobaha loo rarayo dadka barakacayaasha ayuu sheegay in lasoo kormeero doono lagana soo eegi doono dhinacyada caafimaadka,Waxbarashada iyo biyaha kadibna lageyn doono.
Hadalka wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu imaanaya iyadoo shalay ay kulan wada qaateen masuuliyiin ka socotay hay’adaha kala duwan ee dalka ku sugan kaasi oo looga hadlaye dib udejin duleedyada Muqdisho loogu sameynayo dadka barakacayaasha ah.
SDN-Muqdisho