Mr. Saacid: Uma dulqadan doono in Xabsiga lagu sii hayo Wariye Cabdi Casiis Koronto
Muqdisho, Jan, 20, 2013 (SDN)—Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in Xukuumadiisa aysan udulqaadan doonin in xabsiga lagu haayo wariye C/casiis Koronto oo uxiran Dowladda Soomaaliya.
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa laamaha Booliiska iyo kuwa xiriirka la leh xariga Wariye C/casiis wuxuu ku amray inay soo gabagabeeyaan baaritaanka ay ku hayaan wariye C/casiis kiiskiisa hadii dambi lagu waayana lasii daayo.
Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka uu farayo in la dedejiyo Kiiska wariye C/casiis hadii uu dambi laheyna lasii daayo hadii uu dambi leeyahayna kiiskiisa lagu qaado.
“Uma dulqaadan doono in xabsiga lagu haayo wariye C/casiis laamaha ku shaqada leh gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha waxaan si adag ufarayaa hadii uu wariyaha dambi leeyahay halagu qaado hadii kalena halasiidaayo oo kiiskiisa hala dedejiyo”ayuu yiri Ra’’iisul Wasaare Saacid.
Wariye C/casiis koronto ayaa uxiran Booliiska Soomaaliyeed isaga oo lagu eedeeyay inuu baahiyay warar been abuur ah oo ku saabsan Booliiska,waxaana kiiska wariyaha iminka loo wareejiyay xeer ilaalinta qaranka.
SDN-Muqdisho