|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Cadeeyay in nabadgalyada Wadanka aanay Cidna u daba Fadhiisanayn isla markaana ka hadlay Go’aan ay Beesha Ciise ku diiday Maayarka iyo Maayar xigeenka Saylac inay mid qaataan

Hargaysa 19.Jan.(SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Saylac oo uu Mudooyinkii u maalmihii u danbeeyay ku joogay Xal u helida Khilaaf ka dhashay Doorashadii Golayaasha Deegaanka ayaa Cadeeyay in Beesha Samaroon oo Urursatay inta badan kuraasta golaha deegaanka isla markaana ay ka soo jeedaan maayarka iyo maayar ku xigeenku ay ka ogolaadeen in mid ka mid ah labadaas kursi ay u baneeyaan Walaalahooda tabashadu ka muujiyay.

 

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu Sheegay in Saaka uu u Waday beesha Ciise Mid ka mid ah Labada Mansab ee Maamulka Degmada iyo in ka badan boqol dhalinyaro ah oo Xukuumada Somaliland ay ku soo dhawaynayso inay u shaqo geliso beesha Ciise ,Hasa yeeshee Wasiirku waxa uu Xusay inay Beesha Ciise Qaadaceen Go’aamadan ay sida Suluxa ah ku keeneen,Waxaanu daboolka ka qaaday inaan nabadgalyada guud ee Wadanka aanay dawlada ahaan Cidna u daba fadhiisanayn.

Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu intaas ku daray in Guulihii ka soo baxay Wada  hadaladaas ay Weli saluugsan yihiin Beesha Ciise waxaanu Mar kale ugu baaqay inay Miiska Wada hadalka ku garnaqsadaan,Waxaanu intaas ku daray inay dawlada uu ka tirsan yahay ay u Xusul duuban tahay Sidii loo dhawri lahaa Nabada Beelaha Wada dega Gobolada Somaliland .

Hargaysa SDN.

Comments are closed