Golaha Amaanka QM Muxuu ka yidhi Afduubayaasha lagu haysto Wadanka Aljeriya ?
Hargaysa 19.Jan(SDN) Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta Soo saaray Bayaan ay Si xoog leh ugu Cambaareynayaan Falaagada Mayalka Adag ee Afduubta Ugu Haysta Dadka Shaqaalaha ah Xarunta Gaasta Laga soo saaro ee ku taala Koonfurta Bari ee Dalka Aljeeriya,iyadoo Bayaanku Ku tilmaamay, In ay Ku xidhan Yihiin Argagixisada Caalamiga ah ee Alqaacida.
Bayaankan oo ay Si Mug leh u Ansixiyeen Shan iyo Tobanka Dawladood ee Ku jira Golaha Amaanka Waxa uu intaasi Ku daray in si Deg deg ah loo Horkeeno Wixii ka badbaada Hawlgalada Malateri ee Gacanta Lagu Dhigo kuwaasi Mitidiinta Argagixisada ah.
Geesta kale,Xoghayaha Difaaca ee Dalka Maraykanka Mr.Liyoon Bineetaa ayaa manta ku dhawaaqay in uu Miiska Saaran yahay Qorshihii Lagu Cidhib tiri lahaa Argagixisada Ku sugan waqooyiga Africa,Isagoo Xusay in Xukuumadiisu Marnaba Ogaalaan doonin Saldhigyo Argagixiso Caalamka Daafihiisa ka jiraan.
Hargaysa SDN.