|

Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka oo daboolka ka qaaday in aanay ogolayn Maraakiibta soo gala biyaha Jabaan.

Hargaysa 19.Jan(SDN) Xoghayaha Arimah Dibada ee Dalka Maraykanka Miss.Helary Kilinton ayaa Maanta Sheegtay in Dawladeedu Ka soo Horjeedo amba diidantahay Markiibta ama Doonyaha Shiinaha ee Ku soo Xadgudbaaya Biyaha Xeebaha Dawaladu Jabaanku Qacanta Ku Hayso  iminka ee Shiinuhu Sheegto.

 

Miss,Kilinton Waxay Intaasi Ku dartay In la Diidanyahay talaabo lagu Burburinayo Gasiiradahaasi uu Kaligii go’aan ka gaadho Shiinuhu,taas oo Khatar ku keenaysa xasilooninada Gobolka Bariga Aasiya,waxase intaasi ay raacisay in Loo baahanyahay in wada hadal siyaasadeed lagu afjaro Muranka ka dhaxeeya jabaan iyo Shiinaha ee Ku saabsan Gasiiradaha ay ku Muransanyihiin.

Xiisadani waxay sii Xoogaysatay markii dawlada Jabaanku ku dhawaaqday  Markii ay dawlada Jabaanku ku dhawaaqday in Sedex Markab, oo Nooca Dagaalka ah ay soo Galeen Gudaha Biyaha Xeebaha ku Xeeran Gasiiradaha ay Labada dal Ku Muran sanyiin Shalay Iyadoo ay Xaqiijiyeen Arintaasi Ilaalada Xeebaha ee Dalka Jabaanku.

Hargaysa SDN.

Comments are closed