Ra’iisul wasaare Saaci: Dadaal ay Xukuumadeydu gashay ayaa lagu helay Aqoonsiga Washington
Muqdisho Jan 19 2013 (SDN)— Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Farax Shirdoon Saacid ayaa soo dhaweeyay Aqoonsiga dowladda Maraykanku ay u fidisay dalka Soomaaliya isagoona uga mahad celiyay XukuumaddaWashingtontalaabadaasi qaaliga ku ah Shacbiga Soomaaliyeed.
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa tilmaamay in Xukuumadiisu ay dadaal uga shay sidii Maraykanka uu u aqoosan lahaa dowladda cusub ee Soomaaliyaha taasi oo uu tilmaamay in kabadalantahay dowladihii KMG ahaa.
Mr Saacid ayaa uga Mahada celiyay maamulka Madaxweyne Brack Obama sida diiran ay u aqbaleen in ay aqoonsadaan dowladda Soomaaliya, waxana uu balan qaaday in ay xoojin doonaan xiriirka kala dhaxeeya Maraykanka.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii Wasaarada Arrimaha dibadda Maraykanka ay heshiisyo la gashay Madaxweynaha Soomaaliya islmarkaana ay ku dhawaaqday in dowladda Maraykanka ay aqoonsantahay muddo 19-sano ah kaddib.
SDN-Muqdisho