|

Abu Mansuur Amriki:Shababaku waxa ay ii qabteen ugu danbeyn maanta in aan isku dhiibo

Muqdisho Jan 19,2013(SDN)-Abu Mansoor Al Amriki oo hore uga tirsanaa madaxda sare ee kooxda Al Shabaab ayaa shaaciyay in Shabaabku dhawaan u qabteen mudo 15 maalmooda in uu isku dhiibo.

Amriki oo magaca waalidki ula baxeen yahay Cumar Xamaami ayay beryahanba is hayeen isaga iyo madaxa Shabaabka Ina Godane.

Cumar Xamaami ayaa hore u shaaciyay in dilkii madaxa Al Qaacida ee Africa Fazul Cabdala Maxamed oo ciidamo ka tirsan Dawladi dileen bishii June 11keedii uu ka danbeeyay Ina Godane.

Amriki waxa uu barta Internetka ee Twitter ku baahiyay inĀ  Godane uu barta ciidamadu joogeen ku hogaamiyay.

Shababaka ayaa dhankkoda Amriki ugu tilmaamay nin dhiigyo caba oo doonaya in magaciisu dunida dacaladeeda gaaro.

Amriki ayaa haatan ku dhuumaaleysana degaanada Shabaabka ee hoos taga Mukhtaar Rooboow.

Laba todobaad ka hor ayay Shabaabku fariin ay gaar siiyeen Amriki waxa ay u sheegeen in uu heysto 15 casho oo maanta ku eg in uu hubka ku dhigo hadii kalena.

Ma cada Waxa Shababaku ka damacsan yihiin Amriki oo mudo dheer ahaa ruux ku xiray dagaal yahano shisheeye.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed