|

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaadanaya Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minneapolis

MinneapolisJan 19 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka halkaasi oo uu kulan kula qaadanayo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi.

Madaxweynaha iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee Maraykanka gaar ahaan kuwa ku noolMinneapolisayaa waxa kawada hadli doonaan arrimo badan oo ku aadan xaalada dalka iyo sida ay jaaliyadu u taageeri laheyd dowladda.

Madaxda Jaaliyada Soomaaliyeed eeMinneapolisayaa la filayaa in Madaxweynaha ay u jeedin doonaan talooyin ku aadan sidii howlaha dowladda loo sii dar dargalin lahaa islamarkaana loo balaarin lahaa washaqeynta kala dhaxeysa Soomaalida dibada ku nool.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay ula soo kulmay qaar kamid ah jaaliyada Soomaaliyeed oo ay isku arkeen MagaaladaWashingtonee dalka Maraykanka.

Kulamada Madaxweynaha ayaa kadanbeeyay markii uu aqlka cad ee Maraykanka uu shalay kula kulmay Aqalka cad ee dalkaasi Madaxweynaha dalkaasi Brack Obama taasi oo ay dabadan soo dhaweeyeen.

Comments are closed