Hees Cusub Caalin Baad Ismoodee Cirka Maadigaa Tagay Waxay Jawaab u tahay Heestii Abwaan Maxamed Xasan Dhaglas Erayadii Abwaan Axmed C/laahi Maxamud Axmed Fartaag,,
Doha Qatar 19Jan13 (SDN) Hees Cusub Caalin Baad Ismoodee Cirka Maadigaa Tagay Waxay Jawaab u tahay Heestii Abwaan Maxamed Xasan Dhaglas
Erayadii Abwaan Axmed C/laahi Maxamud Axmed Fartaag,,
Cad kuwaad wadaagtaan
Cadaw laguma sheegoo
Canaantiyo dhaliiilaa
Colaad looma qaatee
Cunsur iyo qabiil iyo
Car i taabo maahoo
Carab dalable suugaan
Cadho looma heesoo
Fanka lama calaashado
Ciirsi ruuxa kuu xiga
Cay looma quudhee
Cadaabaa– Illaahay
Adiguba ka cararoo
Casarkiyo Salaadaa
Cibaadayso taadaaa
Caawin kaaga baahane
Ceebaysay shacabkaad
Cayayaan ku sheegtoo
Caalin baad is moodee
Cadceediyo xidigahana
Cirka maadigaa tagay
Caadilkeen wuxuu qoray
Calafkiyo arsaaqdana
Cidi kuma su,aaline
Caadkiyo daruuraa
Cago laguma gaadhee
Caruurtaa tilmaan Awr
Cirka loogu sheegaa
Cidi sooma raratooo
Cayn laguma giijee
Ninkastaaba ceesaan
Ayuu ceelka keeneee
Caqligaaga uun hadal
Cilmiyahan aqoonliyo
Codkar baad ku faantoo
Nafta waad cajibisee
Yaa kuu cumaamaday
Ceebaysay shacabkaad
Cayayaan ku sheegtoo
Caalin baad is moodee
Cadceediyo xidigahana
Cirka maadigaa tagay
Abwaan Axmed Cabdilaahi Fargtaag
Doha Qatar