Safiirka Britain ee Soomaaliya oo cabaareeyay dil loo geysatay Wariye ka tirsanaa Shabelle
Muqdisho Jan 18 2013 (SDN)— Safiirka dowladda Britain u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Matt Baugh ayaa canbaareeyay falkii dilka ahaa ee loogeystay Wariye Cabdi Xareed Cusmaan Aadan oo ka tirsaanaa howlwadeenada fir fircoon ee Shabakada Warbaahinta Shabelle.
“Anigii ku hadlaya Magaca dowladda Britain, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii uu ka geeriyooday Cabdi Xareed Cusmaan, waxaana ku boorinayaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in ay hubiyaan sidii kuwa ka mas’uulka ah falka loo horkeeni lahaa cadaalada, waana muhiim in wax laga qabto dilalka suxufiyiinta, shaqadoodu waxa ay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya waana in ay awood u yeeshaan in ay u shaqeeyaan si aan baqdin galineyn nolashoooda, aad baan u amaanaya shaqadooda geesinimada leh”. Sidaasi waxaa yiri Ambassador Matt Baugh.
Dabley hubeysan ayaa Cabdi Xareed waxa ay saakay ku dileen degmada Wadjir ee gobolka Baadir, waxaam dhimashadiisu ay ka dhigantahay in uu noqdo saxafigii ugu horeysay ee sanadkan cusub la dilo, iyadoo sanadkii tagay ee 2012kii Soomaaliya lagu dilay 18-saxafi.