Dowladda Soomaaliya oo canbaareysay dilkii Maanta loo geystay Wariye Cabdi Xareed Cusmaan Aadan
Muqdisho Jan 18 2013 (SDN)– Warsaxaafadeed—Dowladd Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa dilka suxufi Cabdixareed Cusmaan Adan oo u shaqeynayey shabakadda war-baahinta Shabelle ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18/1/2013 lagu dilay degmada wadajir ee magaalada Muqdisho. Dilkaan oo ay qeyb ka ah dilal isdaba jooga ah oo lala beegsanayey sufuyiinta ku hawlan gudashada mihnadooda suxufinimo ayey dowladda Soomaaliya balan-qaadeysaa inay sii wadi doonto dadaalkii ay ugu jirtay sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dhagar-qabayaashii ka dambeeyey fal-dambiyeedkaas.
Dowladda Soomaaliya waxay u tacsiyeynaysaa ehelkiisii iyo hay`addii uu u shaqeynayey iyo guud ahaan bahda saxaafadda Soomaaliya waxayna la qeybsanaysaa xanuunka iyo murugada.
“ Looma dulqaadan doono ugaar-siga suxufiyiinta iyo muwaadiniinta aan waxba galabsan sharcigana waa la horkeeni doonaa mar ay noqotaba dowladduna waxay difaacaysaa xoriyada saxaafada iyo xuquuqda suxufiga” ayuu yiri Cabdishakur Cali Mire wasiirka ku xiggeenka wasaaradda warfaafinta.
Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud waxaa uu bishii November ku dhawaaqey in ay dowladdu dhisi doonto guddi daba-gala dilalka loo geysanayo suxufiyiinta. Sidoo kale ra`iisul-wasaaraha xukuumadda Fedraalka Soomaaliya waxaa uu asagauna si cad oo aan gabasho leyn u sheegeen inay tillaabo cad ka qaadi doonaan ugaarsiga lagu hayo suxufiyiinta.
——Dhamaad——–