Madaarka Berbera oo la dhigay Mishiin lagu ogaanayo Qofka sita Basabor aanu lahayn.
Madaarka magaalada berbera ayaa waxaa laga hirgaliyay Mishiin Casri ah oo lagu kala ogaanayo dadka raba inay ku baxaan Bassabor aan koodii ahayn .
Qalabkan oo lacag badani ku baxday waxaa Somaliland ku caawisay Hay’ada IOM,waxaana Munaasibad loo sameeyay hawlgalinta qalabkan ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil,Duqa degmada Berbera iyo Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland .
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cali Maxamed iyo Maayarka Magaalada Berbera C.shakuur Cidin ayaa sheegay siday ugu faraxsan yihiin Mishiinkan Cusub ee lagu ogaanayo basaborka cida ku dhoofaysaa inuu yahay kii lahaa ama uu sifo khaldan u Isticimaalayo iyagoo intaas ku daray in hawl galkani uu ku soo beegmay bishii kowaad ee Sannadka 2013ka,Waxaanay amaan u soo jeediyeen Wasaarada Maaliyada iyo Hay’ada IOM oo Iskaashi ka lahaa keenida Mishiinkan.
Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa ku dheeraaday faa’iidada uu qalabkani ugu fadhiyo Waaxda Socdaalka Somaliland oo ka Mas’uula dadka ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya madaarada Somaliland waxaanu Sheegay In Wax tarka Uu Mishiinkani leeyahay ay tahay inay Kalsooni dheeraad ah Siinayaan Madaarada kale ee Wadamada uu Xidhiidhku inaga dhexeeyo oo ku niyadsan sida uu yidhi Mishiinkan.
Hargaysa SDN.