Kulan lagaga hadlayay Tayaynta Tacliinta Sare oo lagu soo gabo gabeeyay Huteel Maansoor
Hargaysa 18Jan.(SDN) Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Mudane Sacad Xaaji Cali Shir ayaa Maanta u soo Gabo gabeeyay Qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka kulan ay ku Gorfaynayeen Tayaynta Tacliinta Sare,kaas oo Mudo laba Cisho ah uga Socday Afar Jaamacadood oo dalka ah Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa.
kulankan waxaa ka qayb qaadanayay Jaamacadaha Golis,Hargaysa, Camuud iyo Burco waxaana soo qaban qaabisay Jaamacada Golis.
Gudoomiyaha Jaamacda Golis Dr Siciid Axmed Xasan oo madashii Kulankaasi hadal ka soo jeediyay ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in la tayeeyo tacliinta sare ee wadanka isla markaana lagu barto jaamacadaha,waxaanu ka qayb galayaashii u rajeeyay in Mudadii labada cisho ahayd ee Kulankani socday Waxyaabihii ay ka barteen ay uga faa’iideeyaan da’a yarta ay wax baraan.
Sidoo kale Qaar ka mid ah Aqoon yahanadii Kulankan ka qayb qaadanayay oo Madashaasi ka hadlay ayaa cadeeyay inay ka midaysan yihiin Sidii ay u Tayo gelin lahaayeen Jaamacadaha ay wax ka dhigaan,iyagoo intaas ku daray in Jaamacadaha Wadanka looga baahan yahay sidii loogu qiimayn lahaa Aqoonta ay fidiyaan
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo Gunaanadkii Kulankaasi hadal ka soo jeediyay waxa uu ku dheeraaday in Jaamacadaha wadanka looga baahan yahay sidii ay tartan ula gali lahaayeen kuwa kale ee dalalka dibada ka furan,waxaanu sheegay in waxa qudha ee arrintaas suurto galinayaa ay tahay sidii loo tayo gelin lahaa aqoonta waxbarasho ee jaamacadaha .
Wasiirka Qorshaynta Qaranku waxa uu gaba gabadii Shahaado Sharafeedyo Gudoonsiiyay Mas’uuliyiin ka socday afarta jaamacadood ee kulankan labada cisho qaatay ka qayb qaatay.
Hargaysa SDN