Uganda oo shaacisay in la badalayo Ciidamadii Xarakada Al Shabaab ka qabsaday Afgooye iyo Mar, Sh/hoose
Kampala Jan 18 2013 (SDN)- Sida uu maanta qoray wargeyska ka soo baxa dalka Uganda ee New vision Xukuumadda kambaala ayaa waxa ay badalaad ku sameysay qeyb ka mid ah Ciidamada Kusugan Soomaaliya ee loo yaqaano UGABAG 9.
Ciidamada ayaa waxaa lagu baday koox kale oo lagu magacaabo Group 11 kuwaasi oo uu hogaaminayo Korne Joseph Balikudembe islamarkaana soo gaaray dalka Soomaaliya.
Ciidamada badalaya UGABAG 9 ayaa shalay oo Talaado aheyd soo gaarya Magaalada Muqdisho, waxaana loo daabulay gobolka Sh/hoose, halkaasi oo ay ka howlgali doonaan, iyadoo wartooda lagu sheegay 1,700 oo Askari.
Qeybta UGABAG 9 ayaa Soomaaliya ku sugnaa tan iyo Bishii December sanadii 2011kii, waaxana qeybta cusub ee hada la keenayo ay noqonayaan qeybtii 11aad ee ay dowladda Uganda u soo daabusho Soomaaliya.
Qeybt UGABAG 9 ayaa ka howlgaleysay furumaha hore ee gobolka Sh/hoose markii Al Shababa laga saarayay waxana ay sigaar ah u la haayeen qabsashadii Afgooye iyo Marka oo ay Al Shabaab heysteen.
Taliyaha Qeybta UGABAG Frederick Akiiki Rugadya ayaa sheegay in ay dib ugu laabanayaan dalkoodii balse aysan dadaalkooda ku ekeyn doonin halkan oo kale ee ay siiwadi doonaan in ay qibrado ugu tabarucaan kuwa cusub ee hada imaaday.
SDN-Kampala