Mas’uuliyiinta Gobolka Hawd oo Kormeer ku soo maray deegaamo ka tirsan Gobolkaas
Hargaysa 18.Jan.(SDN)
Gudoomiyaha Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure ayaa Socdaal Hawleed ku soo maray deegaano ka tirsan Gobolkaas isla markaana ka soo fuliyay hawlo xidhiidha Wado banayn iyo Baa’bin Seerayaal .
Gudoomiyaha oo ay Weheliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ee degmada Balli Gubadle,iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee Gobolka Hawd ,waxaanay Kormeerkooda ku soo mareen Degmada Sayla Bari, iyo Deegaanka Baar Go’oo ,iyagoo halkaas ka fuliyeen hawl galo la xidhiidha Wado banayn iyo baa’bin Seerayaal Sharci daro ah .
Gudoomiyaha Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure ayaa tilmaamay sida ay Waajibka u tahay in Xil la iska saaro ka jirida Deegaanka Seerayaaal la iska ooto,isla markaana dhibaato ku haya dadka iyo Duunyadaba .
Gudoomiyuhu Waxa uu intii uu Kormeerka ku jiray ku amray in La Xidho Todoba Xubnood oo ka dhago adagay go’aan ay hore u gaadheen oo ku saabsanaa baa’binta Seerayaasha amase Ceshiimooyinka.
Hargaysa SDN.