Midowga Africa oo canbaareyay dilkii loo geystay Wariye Cabdi Xareed Cusuma Aaadan
Muqdisho Jan 18 2013 (SDN)— Wakiilka Guddoomiyaha gudiga Midowga Africa Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa waxa uu argagax iyo walaac ka muujiyay weerarada lagu khaarajinayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee wali ka soconaya Magaalada Muqdisho.
Ambassador Annadif ayaa canbaareyay falkii lagu dilay Wariye Cabadi Xareed Cusmaan Aaadan oo ka tirsanaa Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho xilli uu saakay ka soo baxyay hoygiisa kuna soo jeeday goobtiisa shaqada.
“Tani waa murugo muujineysa in dhaqanka xun ee suxu fiyiinta lagu leynayo uu wali jiro iyadoo hormar dhanka nabada iyo Amaanka ah laga gaarayo Muqdisho, waana xasaasi in dadka daneeya Soomaaliya ay muhiimada saaraan sidii loog xoojin lahaa ka hortagida dhaqankan foosha xun” sidaasi waxaa sheegay Ambassador Annadif.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa uu intaasi ku daray in wadanka uu hada sameynayo hormaro dhanka Siyaasada iyo Amaankaba ah, bahda saxaafadana looga baahanyahay in ay hubiyaan amaanka goobaha ay ku shaqeynayaan waxa ay qabanayaan, waana in ay ku wargaliyaan buuyiri hormarada iyo waxyabaaha kale dadka Soomaaliyeed.
Ambassador Annadif ayaa ku Amaanay howsha culuseed ee uu uhayay shacabka Soomaaliyeed, waxana uu ugu danbeyn tacsi u diray Eheladiisa, Idaacada Shabelle, Ururka Saxfiyiinta Qaranka (NUSOJ) iyo dhamaan bahda Saxaafada Soomaaliya.
Xigasho: Warsaxaafadeed
SDN-Muqdisho