Ciidamada Algeria oo galay goob shidaal oo Ciidamo Hubeysani dad ku afduubteen iyo Jaha wereerka reer Galbeedka
Amenas Jan 18,2012(SDN)-Ciidamda dalka Algeria ayaa weeraray goob shidaalka laga soo saaro oo koox hubeysani ay qabsatay kuna heysatay dad ka badan 200 oo ruux.
Kooxdan Hubeysan oo ah qaar xagjira oo xiir la leh Al Qaacida ayaa sheegay in weerarka ay u qaadeen ka dib kolkii Faransiisku weeraray walaalahooda reer Mali.
Ciidamad Dalka Algeria ayaa weerar lama filaan ah oo ay doonayeen in ay ku soo furtaan la heysteyaasha ku qaaday xarunta shidaal baarista ee Amenas oo ku taal goob ku dhaw xadka dalkaasi la wadaago Libiya.
Dalalka reer galbeedka ayaa si weyn u dhaleeceeyay hawlgalada ay ciidamada Algeria sida kediska ah ugu qaadeen kooxda hubeysan ee heysata shaqaalihii goobta oo reer galbeedna ay ku jiraan.
Waxaan cadeyn inta badan dadkii Xagjiriintu afduubeen inkasta oo ay jiraan qaar la badbaadiyay oo haatan ku sii socda dalalkoodii.
Reer galbeedka madaxdooda qaar ayaa saxaafada u sheegay in ay dhici karto in dhimasho badani soo baxdo.
Ilaa iyo haatan waxa la sheegay in ilaa dhawr iyo sodon ruux oo ajaanib ku jiraan in ay ku dhinteen hawlgaladii soo furashada ee ay qaadeen ciidamada dalka Algeria.
Ciidamada Algeria ayaa sheegay in iska hor imaad dhacay ka dib kolkii ay xagjiriintu damceen in ay la baxsadaan qaar ka mida ajaanibka ay afduubeen.
SDN-Amenas
contact@somalidiasporanews.com