|

Kooxo hubeysan oo Maagalada Muqdisho ku dilay Wariye Katirsanaa Idaacadda Shabelle

Muqdisho Jan 18 2013 (SDN)– Kooxo Hubeysan ayaa maanta waxa ay Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Degmada Wada Jir ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Wariye Ka tirsanaa Shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shabakadda ayaa Dabley Hubeysan waxa Saaka ay ku dileen meel aan ka fogeen Gurigiisa oo ku yaalla Degmada Wada Jir ee Gobolka Banaadir.

Kooxaha dilay Wariyaha oo aan Heebtooda la garaan ayaa dad Goob Joogayaal ah waxa ay sheegeen in ay ku hubeysnaayeen Bastoolado kuwaasi oo goobta uu dilku ka dhacay Isaga Baxsaday.

Cabdi Xareed  oo dhaawac ahaan Loogu qaaday Isbitaalka Madiina ee  Magaalada Muqdisho ayaa gudaha Isbitaalka ugu Geeriyooday Dhaawiciisa.

Allaha Unaxariistee Cabdi Xareed Cismaan Aadan ayaa waxa uu Ifka uga tagay sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah wariyaasha ay iskala Howl Galayeen Idaacadda Shabelle illaa 2 Caruur ah iyo Hal Xaas.

Dilka Wariyahaan ayaa noqonaya Wariyihii ugu horeeyay ee Sanadkaan 2013 lagu dilo dalka Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed