Madaxweyne Obama iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan ku yeeshay Aqalka Cad ee Maraykanka
WashingtonJan 18 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Cad ee Maraykanka looga Taliyo waxa uu kula kulmay dhigiisa Barck Obama oo halkaasi ku soo dhaweeayay.
Obama iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankooda waxaa ku wehliyay xubno labada dhinac ka socday waxaana ay kawada hadleen arrimo dhiiro galin u badanaa oo uu soo jeediyay Madaxweynaha Maraykanka.
Brack Obama ayaa ku amaanay Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladiisa howsha culus ee ay u hayaan shacabiga Soomaaliyeed waxana rajo ka muujiyay in mustaqbalka Soomaaliya uu soo hagaagi doono.
Kulanka Obama iyo Xasan Sheekh aya waxa uu daba socdaa markii Maraykanku uu aqoonsi siiyay dowladda Soomaaliya muddo 19-sano ah kaddib.