|

Golaha Deegaanka Caasimada oo Meel Mariyay Xeer hoosaadkooda iyo Olole nadaafadeed oo laga fuliyay Magaalada Laascaanood

Hargaysa 17.Jan(SDN) Fadhi ay Golaha deegaanka ee Casimadda hargaysa maanta ku yeesheen xaruntooda,ayay ku Meel Mariyeen Xeer hoosaadka uu Golaha Deegaanka Caasimadu ku Shaqaynayo Isla markaana ku doorteen Gudi hoosaadyada Golaha Deegaanka.

Fadhigan oo uu Shir gudoominayey maayarka caasimadda ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Eng Yuusuf Warsame Siciid ayaa xildhibaanadu waxay ku doorteen guddi hoosaadyada uu yeelan doono goluhu.

fadhigan Maanta waxaa ka soo Xaadiray  23 xildhibaan,oo ka mid ah Shan iyo Labaatanka Mudane ee Golaha Deegaanka Caasimadu ka kooban yahay ,Iyagoo  ku meel mariyeen xeer hoosaadka golaha oo intiisa badan ay ka soo dheegten  Xeer hoosaadkii Golihii ka horeeyay uu ku shaqaynayay .

Mayorka caasimadda oo shirkaa ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankoodan ay kaga tashanayeen sidii ay u bilaabi lahaayeen hawlaha hor yaalla, isla markaana isugu xidhi lahaayeen gudiyada kala duwan ee ka hawlgala qaybaha magaalada.

Dhinaca kale Dawladda Hoose ee Degmada Laascaanood ayaa Maanta bilowday olole nadaafadeed oo lagu ururinayo Xashiishka iyo waxyaabaha dhaawacaya bilicda  deegaanka iyo fayo dhowrka bulshada.

Ololahan oo ay ka hawlgaleen dhamaan shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta dawladda Hoose ayna ka qayb qaadanayaan bulshada deegaanku ayaa maanta oo keliya lagu qaaday sodomeeyo lowdh oo Xashiish ah isla markaana dhex yaalay  magaalada laascaanood.

Mayorka magaalada laascaanood ayaa warbaahinta u sheegay in ololahan uu bishiiba afar maalmood ka qabsoomi doona magaalada lascaanood, Isagoo intaas ku daray in hawl galkan ay barbar socon doonto hawsha Xashiish Ururinta ee Maalinlaha ah.

Hargaysa SDN.

 

 

 

Comments are closed