Ciidamo boolis Soomaliyeed ah oo maanta tababar loogu qaaday dalka Jamhuuriyada Jabuuti
Muqdisho Jan 17 2013 (SDN)— Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta dalka Jabuuti loogu qaaday tababar kala duwan oo ay halkaasi ku qaadanayaan.
Ciidankaan oo tiradooda ay gaarayso inkabadan 200 oo askar ah ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusii sagootiyay Saraakiil ciidan iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Shariif Sheekhuna Maya oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidanka ay soo qaadan doonaan tababaro kala duwan.
Wuxuu sheegay inay soo baran doonaan sida looga hortago argagixisada iyo sidoo kale mina baarista.
Dowladda dalka Talyaniga ayuu sheegay macalimiin ka socota oo tiradooda ay gaarayso 30-macalin ay bixin doonaan tababarkaasi ciidanka Booliiska Soomaaliyeed dalka Jabuuti lagu soo siin doono.
Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa tababaro loogu qaada dalal kala duwan oo Soomaaliya taageera iyadoo Dowladda Jabuuti ay kamid tahay dalalka Soomaaliya taageera.
SDN-Muqdisho