Kulankii u horeeyay ee ay yeesheen 17 Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Saylac iyo Weedhihii Mas’uuliyiinta
Hargaysa 17.Jan.(SDN)
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo ay Weheliso Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta kulansiiyay Todoba iyo Tobanka Mudane ee Golaha Deegaanka Degmada Saylac ka kooban tahay.
Kulankan oo sida Warku Sheegayo ka qabsoomay goob ka baxsan Xarunta Dawlada hoose Labada Wasiir ayaa hoga tusaaleeyay Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac Xilka iyo Waajibaadka balaadhan ee taabanaya dal iyo dadba iyo sida loogu baahan yahay inay gacmaha isugu qabsadaan horumarinta degmada loo doortay inay maamulaan,waxaa kale oo ay Wasiirada Arrimaha Gudaha Mudane Duur iyo Waxbarashadu Marwo ZamSam Cabdi Aadan u soo jeediyeen Mudanayaasha ku yimid codka dadweynuhu inay meel iska dhigaan Xanaftii ka dhalatay doorashada isla markaana u Midoobaan Horumarinta Degmada Saylac.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa fadhigaas ka sheegay in maalinba qof uu hayo Mas’uuliyada loogana baahan yahay Xubnahooda kale inay ku gacan siiyaan Saaxiibadood sidii ay uga soo bixi lahaayeen Gudashada Mas’uuliyada loo igmaday ,Waxaanu Xusay oo kale in Fadhigaas ay gaar ahaan isu ahaan doonaan Xildhibaanada Degmada kana wada hadlaan Wixii dhexdooda yaala,isagoo intaas ku daray in Wixii Dawlada Dhexe ay uga baahdaan ay isaga iyo Wasiirada Waxbarashadu diyaar ula yihiin.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Wuxuu ku dheeraaday Ahmiyada uu ugu fadhiyo Bulshada Kulankan markii u horaysay ay yeeshaan Golaha Khilaafka Xoogani ka dhex Aloosna waxaanu Mudanayaasha Golaha Degaanka usoo jeediyey in kulankan ay kasoo saaraan Go’aan Bulshada Saylac waxtar u Noqda Nabada iyo Horumarkooda
Ilaa iyo Hada ma cada waxyaabaha rasmiga ah ee ka soo baxay Kulankaas ay Wada yeesheen 17ka Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Degmada Saylac ka kooban yahay ,kuwaas oo Isku maandhaafay doorashadii Hogaanka Golaha deegaanka Saylac ,Isla markaana ay ka dhasheen Shaqaaqooyin Gacan ka hadal ah.
Geesta kale Wasiirada Waxbarashada iyo Arrimaha Guduhu waxay dhagax dhigeen dhismayaal Cusub oo lagu kordhinayo Xarunta Waxbarashada ee Gobolka Salal.
Wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Sam Sam Cabdi Aadan ayaa sheegtay dadaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan sidii loo qurxin lahaa Goobaha Waxbarashada oo ah sida ay tidhi Meelaha lagu soo hirto.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa ku amaanay Wasiirka Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka Salal sida ay ugu hawlan yihiin Horumarinta Goobaha Waxbarashada.
Hargaysa SDN.